Argagixisada Shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe, waxa ay ku toogatay sadax nin oo labo kamid ah ay yihiin ajaaniib kasoo jeeda Dalka Kenya, kuwaa oo a bar bar dagaalamayay Al-Shabaab.
Argagixisada ayaa ragan ku eedeesay in ay ahaayeen jawaasiis ku dhax jirtay lana shaqeeneysay Dowlada Kiiniya, waxaana maxkamad argagixisadu leedahay ku riday xukun dil sida caadiga ah oo lagula fuliyay fagaare kuyaala Degmada Jilib.
Labada nin ee Kiiniyanka ah ee dilka lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabay Cabdulaahi Cabdimajiid Faraj iyo Jared Makae Omambia, waxaana labadan nin argagixisadu ku eedeesay in ay ahaayeen Jawaasiis u haqeeneysay Sirdoonka dowlada Kenya.
Cabdulaahi Faraj oo 22-sano jir ah kana soo jeeda Magalao xeebeedka Mombasa ,ayaa argagixisadu ku eedeesay in uu ahaa jaajuus u shaeenayay Sirdoonka Kiiniya ,iyo Sirdoonada Mareykanka, Ingiriiska iyo kan Yuhuuda.
Argagixisada ayaa ninkan sidoo kale ku eedeesay in uu wax ka maleegay dilal Mombasa loogu geestay labada Wadaad ee Cabuudo Rogo iyo Sheekh Abuubakar Makabuuri oolabadaba lagu dilay magaalada Mombasa.
Jared Makae, oo kasoo jeeda magaalada Eldoret ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa Jaajuus la shaqeenayay Ciidamada Kiiniya gaar ahana kuwa loo yaqaano ATPU, waxa ayna tilmamaeen in uu ahaa jaajuus jihaad ugu soo ganbaday.
Dilkan ragan ajaaniibta ah lagu fuliyay ayaa imanaya xili Al-Shabaab sidan oo kale shalay afar nin ay iyan aku eedeeyeen in ay Jawaasiis ahaayeen ay ku dileen Deegaan kuyaala gobolka Baay , waxaana ragan la dilay mid kamid ah Argagixisada ku eedeeyeen in uu wax ka maleegay dilkii Amiirkooda Axmed Godane.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS