Argagixisada Sucuudigu taageero ayaa 100 qof ku xasuuqay tuulo laga soo daadgureynayay dad dhaawacan iyo kuwo buka oo ku yaal gobol welli ku hadhey gacanta argagixisad.
Heshiiska ayaa dhigayay in argagixisadu tuulooyinka ay ku wareegsan yihiin laakiin taageersan dawlada dadka buka iyo kuwa kalaba la soo daadgureeyo oo basas lagu qaado waxase dadkii soo baxay ee Shiicada ahaa xasuuqey argagixisada Sucuudiga iyo Turkigu taageero.
Argagixisada ayaa soo direy gaadhi sida cuntada caruurtu cunto wuxuuna la ag yimi goobtii basasku taagnaayeen halkaas oo uu kadib ku qarxiyay, dhimashada ayaa la sheegayaa in ay gaarayso boqol.
Dawlada ayaa sheegtay in ayna u aarguddi doonin dadkaas la xasuuqey oo ayna ahayn markii ugu horeysay ee argagixisadu jabiso axdi la galay. Dagaalka Siiriya ayaa u dhexeeya urur diimeedyada uu taageero Sucuudiga, Turkiga, Qadar iyo shacabka iyo dawlada Siiriya oo lagu kala qaybinayo urur diin ahaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS