Ciidanka xooga dalka ee Siiriya ayaa weerar ku qaaday argagixisada Akhwaanka ee Erdogan taageero oo biyihii ka jaray caasimada Dimishiq.
Dadka caasimada ayaa safaf dhaadheer ugu jira biyo raadis iyadoo kala badh magaaladu biyo la’aan tahay muddo ku dhow laba usbuuc.
Xabad joojinta Siiriya ee Turkigu qayb ka yahay ayaa ka mid ahayd in aan xuurto lagu qaban adeega dawladu u hayso dadkeeda sida biyaha iyo korontoada oo la faaruqiyo laakiin argagixisadu waa sida ay rabaan in ay dadka cidla dhigeen sida lagu yaqaan.
Afhayeen u hadlay Erdogan ayaa taageero u muujiyay ururkiisa fadhiya goobta biyaha. Dawlada ayaa ciidan dheeraada keentay xarunta biyaha ee caasimada waxayna qarka u saran yihiin in ay argagixisada ka xoreeyaan biyaha.
Qaybo dhan oo ka mida caasimada Siiriya oo lagu yaqaanay qurux ahna goobo ay ku aasan yihiin rasuulo ayaa haawanaysa markii argagixisada Akhwaan Muslimiin iyo kuwa Sucuudigu taageero ee Ahlujeesh ay soo galeen xaafadaha caasimada dadkiina qixiyeen.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS