X

Argagixisada Yuhuuda Maraykanka iyo Sucuudigu taageero oo dabada u jeediyay Turkiga kadib duqeyn Ruushku lugaha ku tiray

Ilaa iyo markii Ruushku bilaabay dabargoynta argagixisada Yuhuuda, Maraykanka iyo Sucuudigu taageero ee magacyada badan ee burburiyay Suuriya ayaa waxa durba dabada jeediyay dhamaan argagixisada ka dagaalamaysa Galbeedka dalkaasi Suuriya halkaas oo ciidanka dawlada Suuriya ay hadda baacsi ku hayaan. Hub Maraykanku siiyay Sucuudiga oo Sucuudiguna u soo gudbiyay argagixisada uu taageero ayaa hakiyay ciidanka dawlada.

Ciidanka Siiriya ayaa hadda ku sii jeeda dhamaan gobolada Galbeedka sida Idlib, Xama iyo Alleebo oo argagixisada Sucuudiga, iyo Yuhuudu taageero ay ku soo durkeen.

Argagixisada ayaa wayday hub waxayna ku dagaalamayaan hub Sucuudigu iyo Qadar iyo Turkigu soo direen oo gabaabsi ku jira. Dawlada Suuriya ayaa ku talojirta in ay ka goyso wadada isku xirta Aleebo oo ah magaalo madaxda labaad iyo Caasimada oo awal ay fadhiyeen argagixisada Yuhuudu taageerto ee Al-Nusra.

Isku soo duubaa Suuriya ayaa ku dhow in ay cagaheeda isku taagto iyadoo Maraykanku sheegay in aanu Ruushka kula dagaalamayn Suuriya.

Xasuuqa Yuhuudu ku hayso dadka reer Falastiin ayaa Sucuudigu iyo carabta dheregtey ee Khaliijku ka doorbidey in uu rido oo burburiyo dawlad Muslima oo dhisan isagoo isticmaala sheeko qaraxdey oo la yiraa Sunni iyo Shiico oo diinta Islaamka meelna ka soo gelin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.