X

Argagixisadii Daacish oo jabtey iyo Moosul oo ciidanku qarka u saaran yahay

 Magaaladii xadaarada lahayd ee Moosul ayaa ku dhow in argagixisada burburisey ee Daacish laga xoreeyo. Moosul iyo dadkeeda ayaa kala burburey markii dhiigmiiradka Daacish loo baneeyay laba sano kahor.

Ciidanka sida aadka u tababaran ayaa waxyar u jira qayb ka mida xayndaabka magaalada oo uu dhexmaro wabiga Tigris. Ciidanka Suniyiinta ayaa xoogooda ugu weyn ku wajahan yahay magaalada halka xoogaga iyaguna Suniyiinta ah ee Kurdiyiinta ay iyaga dhinaca Bari ka imanayaan.

Argagixisada ayaa jabtey waxayna baneeyeen dhamaan tuulooyinka u dhow Moosul waxayna hadda dabada geliyeen magaalada lafteeda oo ay rabeen in ay guryaha dhufeys ka dhigtaan.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa dhinaca cirka ka caawinaya iyadoo cadowgani uuna kala jeclayn muslim iyo gaalo oo ay xagooda ka wada yihiin gaalo.

Raiisal wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in xoogaga Suniyiinta kaliya galayaan magaalada. Xoogaga Shiicada ayaa iyaguna weerar ku ah magaalada Talafar oo dadkeeda argagixisadu ka sifeysay Shiicadii deganaa qarniyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.