Argagixiso aan u dhalan Turkiga laakiin la marti geliyay isaga iyo xaaskiisa oo xasuuqay 40 qof halmar habeenkii sanadka cusub ayaa gacanta lagu dhigey.
Farxada ayaa ka muuqatay dadkii uu xasuuqay waalidkooda inkastoo ayna soo celinayay dadkii farxada ku jirey ee uu dhiiga ugu bedelay.
Tuugan oo ka tirsanaa kooxda dhiiga muslimiinta xalaashaytey ee Daacish ayaa habeenkii sanadka cusub gaadhi u soo kaxaystey in uu xasuuqo muslimiin kadibna fuleynimadii waa baxsaday.
Ninkan oo lagu magacaabo Cabdulqaadir ayaa ka yimi dalka fiqiirka ah ee Usbakistaan. Ciidanka Turkiga ee ku guulasystey soo qabashadiisa ayaa ka baqayay in uu baxsado.
''Wuxuu ahaa argagixiso tababaran oo muddo ka soo shaqeeyay xasuuqan ayuu yiri masuul u hadlay sirdoonka Turkiga''.
Urur diimeedka akhwaanka ee Erdogan taageero ayaa dagaal kula jira dalka ay jaarka yihiin ee Siiriya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS