Koofurta Somaliya waxa jooga argagixiso caalami ah oo maalin kasta xasuuqa ummada Muslimka ah ee Somaliyeed. Muuqaal ay soo direen argagixisada shabaab ayay soo bandhigeen sargaal ajnabi ah oo ka mid ahaa kuwii ka barbar dagaalamayay oo dhintey iyo afhayeenkooda Cali Dheere oo shuminaya/dhunkanaya.
Sargaalkan ku haligmey Somaliya ayaa magaciisa ay ku sheegeen Rasmi wuxuuna ka soo jeeda gobolka xeebta ah ee Madheera ee Kiiniya. Argagixisada oo lagu yaqaan isqaris iyo wajiduubni ayaa diidey goorta uu dhintey iyo sida uu u dhintey.
Waxayna sheegeen in uu dalka u yimi in gumaado ummada Somaliyeed iyadoo dalka ayna ka jirin wax jihaada iyo dad diin la barayo midna.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS