X

Argagixiso gacanta lagu dhigey iyo sidii loo soo qabtey : SAWIRO

Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan argagixisada cadowga Somaliyeed oo hadda naxsan rabana in naxariis loo galo ka dib markii lugta laga dhaawacay ka dib-na lasoo qabtay.

Wiilkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Deeqow Cabdow Keerow wuxuu bambo gacmeed ku tuuray guri ku yaala degmada Deyniile oo ay degan yihiin ciidamo dowladda ka tirsan.

Keerow ayaa orod xaabsaday ka dibna wuxuu galay guri aan sidaasi ugu fogeyn balse ciidanka oo daba cararrayey ayaa lugta xabad ula helay waxaana laga soo saaray gurigii uu galay.

Wiilkaan ayaa la geeyey cisbitaal ka tirsan gobolka Banaadir, halkaasi ayaa lugtii looga daweeyey waxaana loo dhaadhiciyey xabsiga nabad sugida si loo baaro halka laga soo diray iyo cida soo dirtay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay sawirkiisa iyo qalabkii uu isticmaalayey wuxuuna mari doonaa maxkamada militeriga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.