X

Argagixiso isku ekeysiiyay ciidanka dawlada oo xukun ku dhacay

Argagixiso isku ekeysiiyay ciidanka dawlada ayaa xukun ku dhacay. Kooxdan gaaleynta Muslimiinta ayaa lagu helay maca ayagoo xiran dharkii ciidanka dawlada oo ay ka iibsadaan isla ciidamada iyo kuwa haya dharka ciidanka.

Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013.


Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose .

Waxa uu  raaciyay  in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobolka Banaadir  20-may 2018.


Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.


Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka  gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku  kala xukuntay

1- Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay

a-  Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali

b- Cabdullaahi Subeyr cumar iyo

C- Cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah  , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale  uu ku dalban karo Rafcaan hadii  uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.