X

Argagixiso ka tirsanaa Daacish oo xukun ku dhacay

Argagixiso ka tirsanaa Daacish ayaa xukun ku dhacay. Laba nin oo hore maxkamad loo soo taagey laguna helay dambiyo khatara oo ka dhana Muslimiinta Somalida ah ayaa isla manta la xukumey.


Mahad Maxamuud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah xagjirka Koowaad ayaa loo heystay in uu ku mashquulsanaa yagleelida koox Daacish ah kuwaasi oo ka hawlgeli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeya Daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Cabduqaadir Muumin.


Ninka labaad ee Maxamed Daa’uud Daahir Warsame (Dr. Raage) ayaa loo heystay in uu ahaa Sarkaalka Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan, waxaa si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday suuqa Bakaaraha.


Markii argagixisada lagu helay dambiyadan ka dhana Muslimiinta ayaa maxkamadu ku xukuntey min 15 sano oo xariga. Waxa asxaan loogu falay inay racfaan qaataan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.