X

Argagixiso ku labisan dharka dhaqaatiirta oo xasuuq ka gaystey meel aan laga fileyn

Wararka ka imaanaya dalkaasi argagixisadu ka bilaabantey ee Afganistaan ayaa sheegaya in argagixiso ku labisan dharka la aaminsan yahay ee dhaqaatiirta ay xasuuq ka gaysteen meel aan laga fileyn.

Dhiigmiiradkan xiran dharka dhaqaatiirta ayaa weerar ku qaaday isbitaal milatarigu leeyahay oo ku yaala caasimada. Ugu yaraan sadex qof ayaa lagu xasuuqay goobta iyadoo la sheegayo in tiradu ka badnaan doonto intaasi.

Kooxda Daalibaan ayaa iyadu iska fogeysay weerarka noocana waxase sheegtay argagixisada ka yimi iyaga dhexdooda ee Daacish oo ku eedeeyay Daalibaan in ay yareeyeen xasuuqa Muslimiinta.


Aduunka Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimiinta ahayn ayaa ka anfariirey goob loogu talogalay in dad lagu daaweeyo in weerar lagu qaado, waxase madaxweynaha Afgaistaan shegay in argagixisada ayna melena xaaraan ka ahayn mar haday masaajidka dadka ku dhex dilaan.


Mid ka mida dhaqaatiirta ayaa sheegay in lagu dultoogtey isagoo ku jirta qaliin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.