X

Argagixiso laga xoreeyay deegaano horleh oo ku yaal Bakool

Ciidanka dawlada u diiwaan gashan ee gobolka Bay ayaa eryaday xarumo argagixisada shabaab ku lahayd deegaano badan oo ku yaal gobolka Bay. Taliye Muqtaar Maxamed C/llaahi Geeseey ayaa sheegay in Ciidanka ay howlgalka kula wareegeen deegaanka Abaq-geedeey oo qiyaastii 20km dhanka Bari uga beegan Magaalada Xudur ee gobolka Bakool.


Waxaa uu sheegay taliyaha in deegaankaas uu fariisin weyn u ahaa dhiigmiiratada Shabaab oo ay carareen markii Ciidamada ay ku soo baxeen.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada guutada 9aad qeybta 60aad Muqtaar Maxamed C/llaahi Geeseey ayaa sheegay inay baacsan doonaan argagixisada kana saari doonaan inta ay ka joogaan gobolka.


”Keliya ciidamo nagu filan ayaan u baahanahay iyo saad nagu filan, intas hadaan helno argagixiso ma sii joogteen dalkoo dhan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.