X

Argagixiso lagu diley dagaalkii Halgan ee Hiiraan oo la ogaadey dalkuu ka yimi: SAWIRO

Kadib dagaalkii argagixisadu ku jabtey ee Halgan ayaa waxa soo baxayay baaritaano ku saabsan dad cadaana iyo madow ah oo ku dhintey dagaalkaas. Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Khattab Al-Masri oo ah nin u dhashay wadanka Masar uu ku jirey dadka la diley.

Khattab Al-Masri ayaa muddo badan ka tirsanaa argagixisada shabaab waxaanu dalka joogey in muddo ah lama garan karo xilliga uu soo galay waxana sawirkiisa la soo ogaadey hadda.

Khattab Al-Masri ayeey  sheegen dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo AMISOM in uu kamid ahaa nin cadaan ah dadkii lagu laayay dagaalka balse ma jirin warar xaqiijin karay inuu isaga Khattab Al-Masri ahaa qofka la dilay.

Waxa la aaminsan yahay inuu Khattab Al-Masri yahay meydka qof cadaan ah oo dhulka yaalay oo ka soo muuqday sawiro 10 Juunyo laga soo qaaday deegaanka halkan oo 300 dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.

 

 

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.