X

Argagixiso lagu qabtey Baarsanguuni oo aan waxba la gaban

Howlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni oo difaacyo ku leeyihiin ciidanka ayaa lagu qabtey argagixiso u qaabilsanaa dhiigmiiratada xog raadinta iyo weerarada fuleynimada ama gaadmada ah.


Ninkan la soo bandhigay ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Lujende Maxamed  ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa argagixisadii ka qeyb galay weerarkii Ceel Cadde ee Gobolka Gedo oo dhacay sanadkii 2015 ee lagu galay xero Ciidamada Kiiniya, laguna dilay boqolaal askari.


Sidoo kale ninkan ayaa la sheegay inuu kooxda gaaalaynta ee Al-Shabaab muddo 10 sano ka tirsanaa, waxaana xilliga la soo bandhigayay uu ahaa nin fikirkiisa aan la gaban oo Ciidamada iyo Saraakiisha soo bandhigay ku sheegay inay Riddoobeen (gaaloobeen).


Ninkan gaaleeyay askartii soo qabatey ayaa loo gudbiyo xarunta dembi baarista. Waxase la is weydiinayaa in abaalkiisa la marin dooni iyo in kale maadaama isagoo la hayo uu gaalaynayo dadka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.