X

Argagixiso nolosha lagu qabtey weerarkii Liido iyo wuxuu fuliyay oo la sheegay : SAWIRO

Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxaya weerarkii argagixisadu ku qaaday maqaayad ku taal xeebta LIIDO ee magaalada Muqdisho ayaa waxa nolol lagu qabtey mid ka mida argagixisadii xasuuqa gaysatey.

Taliyaha Nabadsugidda Gobalka Banaadir Cabdi Fareey oo la hadlay warfaafinta dawlada ee Soona ayaa Sheegay in Ciidamada Ammaanka ay qabteen ninkii Kaxeynayay Gaariga Qaraxyada laga soo buuxiyay ee lagu weeraray Maqaayadda Banaadir Beech.

Ninkan ayaa laga dhex qabtay isagoo dhaawac ah burburka Gaariga ku Qarxay Albaabka hore ee Maqaayadda.

“Dhaawac ayaan ku qabanay hadda Cisbitaalka ayaan ku heynaa, waa ninkii gaariga qarxay waday, waan daweyneynaa Su,aalana waan weydiineynaa”

Taliyaha Ayaa hadalkiisa ku daray in wali howlgalku socdo, isla markaana wali aan lakala Caddeyn karin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo iskugu jiray Qaraxyo iyo rasaas isla socday.

Ciidamada ayaa Maqaayadda ka soo badbaadiyay ku dhawaad 20 qof oo dad shacab ah, waxaana goobta howlgal ka wada Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.

Sawirada kore waa SONNA

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.