X

Argagixiso shabaaba oo dawlada isku soo dhiibey iyo halkey ku sugnaayeen

Argagixiso shabaaba ayaa dawlada isku soo dhiibey. Waxa maalmihii ugu dambeeyay soo kordhayay burburka ku dhacay argagixisada xalaashatey dhiigeena oo raxan isku soo dhiibeysay.

Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere Aadan Cabdi Qooqane ayaa sheegay in maamulka degmada ay ka shaqeeyeen sidii argagixisadan ay iskusoo dhiibi lahaayeen.



Waxaa uu sidoo kale sheegay in yihiin laba nin oo ka tirsan argagixisada shabaab ee hore u xasuuqi jirey Muslimiinta haddana labadaasi nin ay ku sugan yihiin degmada Qansaxdheere.

Waxaa tilmaamay in ay u gudbin doonaan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si akhlaaqada diinta iyo ilaalinta dhiiga iyo hantida dadka loo beri lahaa.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.