Ciidamada NISA ayaa shalay gaadhi ku qabtey xaafada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxase gaadhigasi qarxay intii la baadhayay gacantana lagu hayo ninkii waday gaadhiga.
Ninkan oo ka tirsan dhiigmiiratada shabaab ee ku caanbaxay xasuuqa dadkeena yar iyo weyn ayaa loo soo bandhigey saxaafada. Qaraxa gaadhiga ayaa galaaftey hooyo deegaanka ah.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida, ayaa sheegay in ninkan uu xog badan siiyay Saraakiisha Nabad Suggida, isagoona sheegay inuu muhiim u ahaa weerarada iyo qaraxyada, ay Shabaabku ka gaysanayan Magaalada Muqdisho.
Sarkaalka Nabad Suggida ka tirsan oo codsaday inaanan magaciisa la shaacin, ayaa yiri “Ninkan aad u jeedaan wuxuu inoo sheegay in qaraxyo badan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho uu wax ka soo maleygay, sida wuxuu inoo sheegay inuu isagu dhigay Isgoyska Siinaay gaari 18-kii bishii August halkaasi la dhigay, isla-markaana ku qarxay.”
Markale waxaa uu yiri “Wuxuu caddeeyay inuu isagu geeyay gaarigii qaraxa la soo saaray ee 25-kii bishii August lagu weeraray maqaaxida Banadir Beach ee Xeebta Liido, inkastoo qaraxaasi uu fashilmay, ninkii loogu talla-galay inuu is qarxiyana la qabtay.”
Sarkaalkan, ayaa yiri “Waxaa layaab leh inuu noo sheegay nimankii argagixisada UGUS ee 25-kii bishii June weerartay Hotelka Naasa Hablood, inuu waday gaarigii ay la socdeen, isla-markaana uu halkaasi dhigay, ka dibna uu cararay.”
Waxa uu intaa ku daray “Macluumaad badan ayaan ka helnay dembiilahan ka tirsan UGUS, waxaan rabaa inaan idin cadeeyo maalmaha soo socda ayaan Saxaafadda u soo bandhigeynaa, inagoo Saxaafadda faah faahin badan ka siin doono.”
Sarkaalka ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab oo weli aan la shaacin magaciisa, ayaa waxaa da’diisa lagu sheegay 37 jir.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo Isniintii la hadlay codka Maraykanka ee af-Somaliga, ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu ka yimid Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Waa tallaabo wanaagsan oo horey ay Nabad Suggida Somaliya u qaaday in ay gacanta ku soo dhigto mid ka mid ah ragga soo maleyga qaraxyada xargaha goystay, ee sida joogtada ihi kaga dhacaaya Caasimadda.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS