X

Arin argagax leh: xabaalaha Hargeysa oo lagu aasay dad badan oo nool

Waa arin aad u xanuun kulul marka qof welli nool la aaso oo qofkasi ku dhex dhinto xabaasha dhexdeeda maadaama ayna jirin cid maqlaysa qayladiisa. ”Waxa nagu dhacay in dad badan iyagii oo lagu tukanayo ay sarakaceen ayuu yiri nin xabaal qode ah.


”Arinta laga argagaxay ayaa ah qof la aasayay oo xabaashii ka soo dhex kacay ayuu raciyay xabaal qodahu. Dadkan inta badan loo keenay xabaasha inay dhinteen ayaa ah kuwo lagu sheegay inay u dhinteen si degdega.

Tani waxay muujinaysaa tayo xumada dhaqaatiirta magaalada waayo arimaha noocan ah maba dhaceen. Waxana muuqata in laga siman yahay oo arintani ka dhici karto meelo badan oo dalkeena ah.


”Dhimashada sideedaba waxa cadeeya dhaqtar isagu takhasus u leh waayo waxa dhacda dad la mooday inay nafi ku jirin ay naftu ku jirto oo mar dambe soo baraaruga ayuu yiri Bashiir Axmed.

” Waxaan u soo joognay maalinta meyd nagu kacay oo dadkiina kala yaaceen naxdin awgeed oo markii dambe ninkii oo qaawan uu dadkii daba orday isagoo u socda halkii laga keenay, markii dambana oday aan ku jirin dadka meydka ku tukanaayay ka qaatay go shaala iyo shaadh ayuu yiri xabaal qode.


Dhacdooyin naxdinleh ayaan u soo joognay oo ay ku jirto hooyo la yiri way umul raacday laakiin gaadhigii meydka ahaa ee sidey ay ku kacday, halka xabaal qoda la yiri haddana nala soo wacay oo la yiri wuu noolaadee iska daaya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.