X

Askari fal laga argagaxay ku kacay oo dil lagu xukumay Muqdisho

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa bishii shanaad ee sanadkan kufsi u gaystey gabadh yar oo shan jira. Kufsiga gabadhan yar ayaa ka dhacay xaafada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Waxayna hadda maxkamada ciidanku ku xukuntey dil toogasho ah.


Maxkamadeynta ninkan ku kacay falkan laga argagaxay ee uu saqiirka u gaystey ayaa bilaabantey bishii hore, waxana la soo gabagabeeyay isla bishii hore.


Inkastoo ay jiraan kiisas laga argagaxo oo kufsi ah, waxase hadda soo baxay qaar uga faaiideysta kiisaskaa kufsiga inay u hoos geliyaan inay dalka ku fuliyaan sharciyadooda gaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.