Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in askari lagu diley magaalada xilli uu taagnaa goobtiisa shaqo. Askarigan ayaa la sheegayaa inuu ka soo jeedo gobolada Woqooyi.
Dhawaan ayaa magaalada waxa dagaal ku dhexmaray ciidamada iyo dad shacaba, waxana loo aanaynayaa in dadkii ay waxyeelada u gaysteen ay ka aargoosteen.
Laascaanood ayaa waxa ku sugan askar ka amar qaata maamulka Somalilaan inkastoo ciidamada badankooda ay yihiin kuwo u dhashay deegaanka oo nacay Butlaan.
Ragii dilka gaystey ayaa ka cararay goobta, ilaa haddana waxa booliisku ku raadjoogaa cidii dilka gaysatey. Laascaanood ayaa ah goob aan siyaasad ahaan deganayn oo markasta la filan karo isku dhacyo ayadoo dadka badankiisu ku qanacsanayn magaca hoogan ee Somalilaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS