X

Askarta Koofurta Suudaan oo kufsiga haweenka looga dhigay mishahar

Warbixin laga naxo ayaa ka soo baxaysa dalkaasi yar ee Koofurta Suudaan ee laga soo jaray Suudaan. Wararka ay heleen hay’adaha reer galbeedka ee basaasnimada ku shaqeeya oo jooga aaga colaada ayaa sheegaya in askarta Koofurta Suudaan kufsiga haweenka looga dhigey mishahar.

Wararkan ayaa inta ku daraya in si xun loo ugaadhsaday haweenka wajigoodu qurxoon yahay,,waxana Jira ayay sheegeen haween gabdhahooda lagu hor kufsaday halka hooyooyin iyagana lagu hor kufsaday carurtooda.

Maamulka Koofurta Suudaan ayaa sheegay in uu baadhayo waxaanse jirin wax rajo ah oo laga qabo in haweenkaasi helaan cadaalad iyadoo kan la eedaynayo uu yahay kan sheegaya inuu baarayo arinta.

Koofurta Sudaan oo diin looga gooyay Suudaan ayaa iscun xun isku bilowdey markay sidaa u go’deyba iyadoo ujeedadu ahayd in Woqooyiga Suudaan laga jaro saliida sidaasna ay faqiir ahaadaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.