X

Axmed Karaash oo isku shaandheyn muuqata sameeyay

Madaxweynaha Butlaan Axmed Karaash ayaa sameeyay isku shaandheyn muuqata kadib marki aray sida awooda gobolka ay ugu takrifaleen horjooge Siciid Deni iyo jufadiisa.


Hoosta ka akhriso isku shaandheynta uu sameeyay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Butlaan

MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.


MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.
WUXUU XEERIYEY:


MAGACAABIS
1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland
2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland
3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.


Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.