Sidii la filayay Axmed Madoobe ayaa ka difaacay ciidanka Kiiniya oo lagu helay in ay xaalufiyaan dhuxusha iyo sonkorteena taas oo faaiidada ugu weyn ay ka helaan argagixisada shabaab iyo ciidanka Kiiniya oo u yimi in ay la dagaalamaan. Axmed Madoobe oo warqad loo akhriyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixintaas sheegayna in isaga waxba loo sheegin.
Warbixinta ayaa ciidamada Kiiniya ku eedaysay in ay xaalufiyeen dhuxushi iyo sonkortii dalka taas oo ka soo gasha ilaa lacag gaaraysa $400 oo milyan oo doolarka Maraykanka.
Dhinaca kale masuul ka tirsan maamulkiisa ayaa ka codsaday maamulada gobolada Gedo in ay ka qayliyaan xadka Kiiniya ku soo durugtey. AXmed Madoobe ayaa ka aamusey arinta xadka lagu soo durkey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM