X

Axmed Madoobe iyo beesha Mareexaan oo heshiis ku gaaray Kismaayo: SAWIRO

Waxaa magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee u socday Beesha Sade iyo maamulka Axmed Madoobe oo ku saabsanaa sidii heshiis loo dhan yahay labada dhinac uga gaari lahaayeen awood wadaagga maamulka Jubba.

Heshiis ay labada dhinac kala saxiixdeen waxaa qalinka ku duugay siyaasiyiintii beesha Sade ee ka horjeeday Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.

Shirar gaar ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa keenay in ugu danbeyn heshiis laga gaaro dhibaatadii mudadda dheer dhex taallay labada dhinac.

Heshiiska siyaasiyiinta Beesha Sade iyo Axmed Madoobe isla gaareen wuxuu ka kooban yahay 14 qodob, waxaana tanaasulka ugu weyn sameeyay Axmed Madoobe oo aqbalay shuruudihii siyaasiyiinta Beesha Sade sida lagu shaaciyay shirkii jaraa’id ee labada dhinac wadajir u qabteen.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa saxaafadda u sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin heshiiska ka dhacay magaalada Kismaayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.