Waxa manta Garoowe ka dhoo=fay madaxweynaha Puntland oo ay la socdaan xubno ka mida maamulka ku meelgaadhka ah ee Jubba sida ku xigeenka Axmed Madoobe ninka la yiraa jeneraal Fartaag waxase aan la casuumin Shariif Xasan oo isagu joogey shirka Garoowe wax talana aan u lahayn oo ahaa mid Puntland danaheeda ka fushatay iyadoo isticmaashay erayadii Faroole dastuurka ku darsaday.
C/wali Gaas ayaa la sheegay in uu ka qaybgalayo shir Talyaanigu qayb ku leeyahay oo ka hadlaya nidaamka C/wali Gaas iyo siyaasiyiinta Puntland aad ka u jecelyihiin ee federaalka iyagoo ka cararaya in qabiil ahaan laga xukumo Muqdisho.
Waxa dad badan iswaydiinayaan sababta looga tagey Shariif Xasan haddii laga hadlayo arimaha federaalka oo Sharif Xasan qayb ka yahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM