Shirkan waxaa dhinaca Maamulka Juba ku matalaayay Madaxweyne Ku Xigeenka jeneral C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay ku wehlinayeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jubba. Sidoo kale dhinaca Siyaasiyiinta diidan sharci ahaanshaha Jubba, waxaa hormuud u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, oo ay ku kaabayeen Siyaasiyiinta kala ah Maxamuud Sayid Aadan, Cabdi Shire Warsame, Maxamed Maxamuud Yuusuf (Awlibaax) iyo xubno kale.
Labada dhinac oo laba daraf kala fadhiyay, ayaa ka wada dooday waxyaabaha ay isku hayaan iyo sidii ay halmeel isugu wada imaan lahaayeen, si ay u dhistaan Maamul Goboleed ay ku wada qanacsan yihiin.
Shirka oo lagu qabtay geed hoostii, ayaa qaatay muddo dhowr saacadood oo xiriir ah, iyadoo labada dhinacna ay eedeymo isugu jeediyeen, kuna wada kaftameen, waxayna isku waafaqayn in la helo Maamul Gobolada Jubbooyinka & Gedo matali kara.
Siyaasiyiinta ka soo horjeedo Maamulka Jubba, ayaa soo jeedisay in dib loo dhigo Doorashada Madaxtinimada Jubba oo 15-ka bishan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Kismaayo. In awoodda si cadaalad ah loo wada qaybsado, sidoo kalana Maamulka laga soo qaybgeliyo Beelaha Deegaanka qaarkood, oo ku cabanaaya in laga qadiyay, oo ay dibadda ka joogaan Maamulka.
Axmed Madoobe ayaa isagu ku mashquulsan sidii dib loogu soo dooran lahaa wuxuuna soo bandhigey shuruudo lagu xidhey dadka soo codsanaya xilka muranka leh ee maamulka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM