X

Axmed Madoobe oo faahfaahiyay tirada xasuuqii Kismaayo iyo argagixis nolol lagu qabtey

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in xasuuqii Kismaayo ee huteel Madiina hadda la soo af-jaray. Wararka ayaa sheegaya in dawlada dhexe dirtey ciidan u tababaran arimahan oo hilfaha u qaaday argagixisada oo kolba qol galaayay inkastoo Jubaland cadaynin.


Is qarxinta hore ayaa waxa ku shahiiday dad wax garad u ahaa bulshada sida saxafiyada xorta ah ee Hodan Naaleeye iyo marti farabadan oo dhamaantood aan waxba galabsan.

Axmed Madobe oo ka hadlaayay tirada xasuuqa ayaa sheegay in 26 qof yihiin inta shahiidey halka dhaawacuna yahay 56. Waxa ku jira dhaawaca laba Shiine ah. Somalida baasaboorada ajaanibta wadata ayuu ku tilmaamay inay gaarayeen 10.


Horjooge Axmed Madoobe ayaa intaas raaciyay in kooxda gaalaynta ee xasuuqa gaystey ay ahaayeen 4. Afartaas oo midi is qarxiyay midna gacanta lagu dhigey halka labada kalana la toogtey.

Wuxuu dalbaday in foojignaan dheeriya la sameeyo iyo baaritaano farabadan si loo badbaadiyo dadka magaalada.

Sawirada laga soo qaaday huteelka xasuuqu ka dhacay

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.