X

Axmed Madoobe oo Garoowe ku soo socda iyo C/welli Gaas oo isna sugaya maxaase cusub

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa manta ku soo wajahan Garoowe halkaas oo uu la shiri doono madaxweynaha Puntland Cabdiwelli Gaas. Labada masuul ayaa hogaanka u jaray dawlada dhexe iyagoo u diidan siyaabo kale duwan.

Axmed Madoobe ayaa loo sheegay in uu soo xulo barlamaan dheelitiran oo matala dadka deegaanka taas oo uu ku gacan saydhey kadibna xiriirkii u jaray Xasan Sheekh halka Cabdiwelli Gaas ka cabanayo in maamulka cusub ee Galmudug la siiyay dhul ka mida dhulkiisa.

Labada masuul ayaa la filayaa in ay hal mowqif ka qaataan dawlada dhexe mowqifkaas oo dadka badankiisu qabaan in aanu waxba soo kordhineyn.

La soco waxa ka soo kordha

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.