X

Axmed Madoobe oo go’aan ka soo saaray maxkamada laashey kuraas sideeda

Axmed Madoobe ayaa go’aan ka soo saaray maxkamada laashey kuraas sideeda.

Maamulka Jubba oo arrintan ka soo saartay war-saxaafadeed ayaa waxa ay sheegtay in ay ku talineyso in la raaco go’aanka Natiijadii Doorashada horay u dhacday, kaasi oo ay u aragto mid kama dambeys ah, dibna aan loogu laaban karin.



Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ah ilaaliyaha Dastuurka dalka waxa ay u soo jeedisay in uu xaliyo khilaafaadka ka dhaxeeya Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.



Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan iyaguna ka soo horjeestay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka ay ku amartay in dib loogu laabto Doorashada 8 kursi, waxayna sheegeen in ay taageersan yihiin go’aankii Golaha shacabka ee ahaa inaan dib loogu laaban Doorashada Siddeedaasi kursi.

Sida muuqata hadda waxaa isku dhagan Hay’ado awood ahaan isla siman, kuwaasi oo kala ah Hay’adda Sharci dajnta dalka Golaha Shacabka iyo Hay’adda Garsoorka dalka, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya 23-kii bishan ay laaleen go’aankii Maxkamada sare ay ku amreysay dib ugu noqoshada kuraasta Sideed xubnood oo Golaha Shacabka ka tirsan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.