X

Axmed Madoobe oo warqad u qorey madaxweyne Farmaajo: maxaa kalifey xilligan

Axmed Madoobe oo haada ka mida horjoogeyaasha Kismaayo ee Kiiniya adeegsato dhawaana sheegtay in dib loo doortey ayaa qoraal u soo diray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe ayaa ka codsaday Madaxweyne Farmaajo in la dhameeyo khilaafka dawlada dhexe iyo maamulka Kismayo qaybta uu hogaamiyo iyadoo la tixgelinayo waxa uu ku tilmaamey xaaladaha ka taagan dalka.


“Mudane Madaxweyne waxaan soo jeedinayaa in inaan isfaham buuxa ka gaarno khilaafka u dhexeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo dowlada dhexe oo hadii uu sii socdo aan waxba laga faaiideynin” ayuu yidhi Axmed Madoobe oo qoraalkiisa u isticmaalay ereyo jilicsan oo ka duwan kuwii adkaa ee looga bartay doorashada ka hor.


Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Federaalka ayaa horey u qaadacday natiijooyinkii ka soo baxay doorashooyin ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay ku soo baxeen dhowr Madaxweyne oo wada sheeganaya xilka ugu sareeya ee maamulka Jubba.

Warqada Axmed Madoobe ayaa lagu macneyn karaa mid Kiiniya qortey oo looga danleeyahay in la yiraa waa idinla hadlayaaye idinkaa diidan.


Axmed Madoobe ayaa hore u diidey inuu dhegeysto hanaanka dastuur ee dalka u yaala isagoo isku halaynaya Kiiniya oo danteeda badda wadata.

Tan kale ee kaliftey ayaa ah xilli dawlada Somaliya bilowdey inay soo celiso madaxbanaanida Kismaayo ayadoo hadda amartey in diyaaradihii Kismaayo tagaya ama ka duulaya ay marka hore soo maraan Muqdisho.

Nin u hadley Axmed Madoobe ayaa beeniyay inuu warqad u qorey madaxweyne Farmaajo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.