X

Axmed Madoobe oo weerar kale ku qaaday ciidamada dawlada ee jooga aaga Kismaayo

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in werar ay kala kulmeen ciidamada Jubbaland.

Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah saraakiishan ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland oo kasoo baxay magaalada Kismaayo ay soo weerareen xerooyin ciidamada xoogga dalka ku lahaayeen deegaanka Sabca Asharaaf ee duleedka magaalada Kismaayo.

“Anaga fariisinkii nalagu ogaa ayaan degannahay Ciidamada Jubbaland waxay ku jiraan magaalada gudaheeda, mar walbana wey kasoo baxaan, sidaan oo kale ayeey noo soo weeraraan, laakiinse annaga cid walba oo nasoo weerarta waan iska celin donnaa” ayuu yiri Gaas.

Jimcihii aynu kasoo gudubnay ayaa ciidamadaan kusugan deegaanka Sabca Asharaad iyo kuwa Jubbaland waxaa dhex maray dagaal saacado socday, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiil u hadashay maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid u dhaxeeyay iyaga iyo ciidamada Xarakada Al-shabaab.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.