X

Axmed Madoobe waxa xilkiisu ku egyahay 26 bishan mana jiro barlamaan Jubba oo wax dooran kara: Xildhibaan Jeesow

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in barlamaanka Somaliya si sharci ah u kala direy barlamaanka Jubba ee ku meelgaarka ah waxase muuqata in Axmed Madoobe oo Kiiniya dabada gashanaya in uu si cad u diidey go’aanka barlamaanka hadana uu doorrasho qabsanayo 16-ka bishan.

”“Haddii codka Golaha baarlamaanka la meel marin waayo go’aan dambe oo baarlamaanka Soomaaliya laga dhageysan doono ma leh; masúuliyadeedana waxaa qaadi doona cid allaala ciddii fashilkaas ka qeybqaadatay” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow, wuxuuna isweydiiyey sida ay sharciyad ku tahay in uu dastuur ansixiyo ama madaxweyne doorto baarlamaanka xasanadii laga qaaday.

Hadaba Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay haddii barlamaaanka Somaliya la dhegeysan waayo in ay keenayso cawaaqib xumo. Mar uu ka hadley xubin ka tirsan Igad oo ay isku jufo yihiin Axmed Madoobe.

“Maxamed Cabdi Afeey mar walba wuxuu isku dayayaa inuu beel ahaan ugu hiiliyo maamul goboleed gacan ku rimis ah; waxaan leenahay naga daa faragelinta aad nagu hayso; Soomaaliya waxeey xubin ka tahay IGAD. ” Ayuu yiri Daahir Jeesow, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo ay u dhisan yihiin hay’ado dastuuri ah oo la soo doortay, hay’adahaasina ay yihiin kuwa xaqa u leh in ay go’aan ka gaaraan masiirka Qaranka.

Xildhibaan Daahir Jeesow, wuxuu kaloo soo qaaday Wasiirada iyo mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo ka qeybgalaya kulamada ay qabanayaan baarlamaanka Jubba, isaga oo sheegay in xubnahaasi baarlamaanka federaalka uu ka qaadi doono tillaabo sharci ah.

“Baarlamaanka Soomaaliya indhaha ayuu ku hayaan Wasiirada & masúuliyiinta Dowladda ee kulamadaasi ka qeybgalaya, waana lagula xisaabtami doonaa sharciga ay ku tumanayaan” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.