X

Axmed Muumin Seed oo wali cidla taagan lehna waan iska aaminey Muuse Biixi by Abdi Mustafa

Axmed Mumin Seed, gudoomiya ku xigeen kii hore ee xisbiga Waddani ayaa afkiissa ku qirtay mar uu shalay Borama ka hadlayay in aan xisbiga Kulmiye wax xil ah u magaacin uuna magacaabi doonin bal se uu sidaa kula shaqayn doono.

Haduu Kulmiye bilaash ku taageerayo muxuu uuga tegay xilkii xisbiga Waddani ee uu ku soo caan baxay ee ahaa gudoomiye ku xigeenka kowaad. Markii Mumin Seed is bedelay ee uu is yidhi malaa xilkaa ka soo bixi maysid oo hadii madaxweynuhu dalka ka baxo oo aja-nanebi yimaado luqad aad kula



hadasho ma taqaanid na waxa loo soo bandhigay in uu jagadiisa iska fadhiyo Maxamed Cali musharax madaxweyne ku xigeen noqdo marka guusho timaadana laga dhigi doono wasiirka arimaha gudaha weliba aqal iyo lacagna loola diyaar ahaa. Hadaba haduu mumin Seed caqli leeyey laba la isku

doorsado maaha bilaash baan ku shaqaynayaa oo xil la ii magacaabi maayo kuwii i sharfay ee xilalka iila diyaar ahaana waan ka cararayaa. Horta siyaasada Mumin Seed intaasaa inagaga filan oo aannu caanaha iyo biyaha kala saarayn. Waxa hadal kiisii ku jiray Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali xil

waraaba u taaga ayay u magacaabeen oo Xirsi buu isku dhererinayaa. Subxaan … Xirsi waa hogaanka Waddani, waa gudoomiyaha kaambaynka isla markaana waa gudoomiyaha dhaqaale ururinta. Teeda kale Mumin in uu xirsi ku dherer sadaa wax macquula maaha. Haduu Mumin caqli caafimaad qaba leeyey ama uu siyaasad wax ka garanayo muu yidhaahdeen Kulmiye ayaan madiidin u noqonayaa iyagoon xil ii magacaabin oo bilaash baan uugu shaqaynayaa.

Abmustafe123@gmail.com

admin:

This website uses cookies.