X

Axmed Muumin Seed oo boodhka ka jafay musharaxnimadiisa soona kiciyay taageerayaashiisa Boorama

Musharaxa ku xigeenka xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga ayaa Boorama ku yimi socdaal halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Waftigan ayaa markii ay soo gaadheen Magaalada dhexdeeda waxaa wadooyinka waaweyn taagnaa taageerayaal iyo dadweyne aad u tiro badan kuwaas oo ku dhawaaqayay hadalo ay ku muujinayeen sida ay u jecelyihiin Gudoomiye Seed iyo waftiga la socda waxaana intaas ka dib waftiga loo galbiyay Hotel Haldoor.

Waxa intaas kadib la soo bandhigey taageerayaal kale oo ka soo caradigtey xisbiga Kulmiye laakiin u badnaa besha HabarCafaan e Samaroon.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.