X

Baadariga diinta masiixiga oo suaal geliyay kiristaanimada ninka muslimka neceb ee Trump

Republican presidential hopeful Donald Trump speaks to reporters before addressing the Republican Party of Arkansas Reagan Rockefeller dinner in Hot Springs, Ark., Friday, July 17, 2015. (AP Photo/Danny Johnston)

Baadariga diinta masiixiga ee qaldan u weyn Pope Francis ayaa suaal geliyay kiristaanimada ninka u tartaramaya kursiga Maraykanka e Trump ee sheegay in uu Maraykanka ka madnuucii laha Muslimiinta. Pope Farances ayaa sheegay in nin dad kala qaybiya oo derbiyo dhistaa uuna ahayn kiristaan.

Wuxuu intaa raaciyay ”anigu kama hadlayo cida aad dooranaysaan ee aad codkiina siinaysaan waxaanse kaliya sheegayaa in qof dadka kala qaybiyaa uuna ahayn kiristaan.

Trump oo ka jawaabay hadalkaasi ka soo yeeray baadiriga Kiristaanka firqada ugu badan ee Katooliga loo yaqaan inkastoo isagu (Trump) yahay firqada Ingiriiska ee Protestanta loo yaqaan ” ayaa yiri qof diin hogaamiye kama qaadanayo qof kale diinta haka saaro waxaanan ahay kiristan”.

Hadalka ka soo yeeray Pope ayaa dhaawacaya musharaxnimada Trump oo gobolka hadda ku xiga doorashada musharaxnimada xisbigiisa ay ku degan yihiin dad lagu tilmaamey in ay ku adag yihiin diinta Katooliga.

Pope Frances ayaa ah kii ugu caqliga badnaa ee mara kuwa sheegta diinta lunsan ee Kiristaanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.