X

Baardheere oo ku soo noqotey gacanta dawlada kadib todoba sano oo gumeysi ay ku jirtey

Ciidamada xooga dalka oo taageero ka helaya kuwa Amisom ayaa eryadey argagixisada caalamiga ah ee shabaab oo Baardheere haysatay muddo todobo sano ah. Dadka magaalada ayaa si weyn u soo dhaweeyay xoriyada cusub ee u dhalatay.

Siyaad Axmed Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee hogaaminaya howlgallada ka dhanka ah UGUS ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay si rasmi ah ula wareegay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

“Abaaro 1:45pm ayay gacanta degmada Baardheere noo soo gashay, waxaana halkaasi ka wadnaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, inta ugu muhiimsan ayaa gacanta noogu jirto, waana sii wadaynaa howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada UGUS” ayuu yiri sargaalka u waramay Radio Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa tilmaamay inaysan la kulmin wax iska caabin ah markii ay la wareegayeen degmada Baardheere, isla markaana ay ka soo galeen dhowr jiho, taasi oo kentay in maleeshiyaadka UGUS ay goobta isaga cararaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.