X

Badhasaabka Ankara oo wado horta safaarada Imaaraadka u bixiyay Farxudiin Pasha

Badhasaabka Ankara ayaa wado horta safaarada Imaaraadka u bixiyay Farxudiin Pasha. Magaca wadadan loo bixiyay ayaa imaanaya ayadoo wasiirka arimaha dibedda Imaaraadku faafiyay war qaldan oo laga faafiyay Farxudiin Pasha oo ahaa sarkaal Turki ah.



Farxudiin Pasha ayaa ahaa sarkaal Turki ah oo Carab munaafiqiina oo watey Ingiriis ka badbaadiyay inay qabsadaan Madiina.



Asagoo intaas kadib alaabo qadiimi ah oo u gacangeli lahaa Carabtaas munaafiqiinta iyo Ingiriiska u qaaday Turkiga.

Alaabtaas ayaa hadda lagu hayaa maktabada Madiina ee caasimada Istaanbuul. Turkiga ayaa ka caroodey warka qaldan ee wasiirka arimaha dibedu faafiyay.



Talaabada badhasaabku qaadey ayaa looga caraysiinayaa Imaaraadka oo hadda la sugayo waxay qaadi doonaan.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.