Badhasaabka gobolka Awdal ayaa ku qosley siyaasiyiin reer Awdala oo ka hadley saami qaybi kuna jawaabay in saamiga Somaliland oo dhan u yaalo oo ay ku jirto beeshiisu.
Wuxuu kaloo si cad u sheegay in kuwa halkaa ka hadley uu ku tilmamey jufo gaara oo odayadii la yaqaanay ee gobolka ay hadda halkan ka kaceen.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in cidii iska dhaqaajisa uu talaabo ka qaadi doono. Waxana muuqata sidii caadiga ahayd in kolba qolo rabto in jeebka loo buuxiyo sida isagu sheegay, weliba la kala baray cida Muuse Biixi raacsan iyo kuwa diidan.
Badhasaabkan ayaa sidoo kale caayay reer Boorama kuna tilmaamay kuwo ciid sadexaad oo weyn leh kuna sheegay qalin-jebinta ardeydda jaamacada Camuudeed.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS