Ina lilaah waa inaa ilayhi raajicuun dhamaan bahda Araabinews waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariistee suldaan Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Talyaaniga.
Korneyl Cilmi Kabaal ayaa ka mid ahaa rug cadaagii ciidanka booliiska Somaliya burburkii dalka kadibna ka qaybqaatay nabadeynta beelaha. Wuxuuna suldaan u ahaa beeshiisa. Waxaan leenahay rabi janadiisa fardowsa haka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan haka siiyo.
Aamiin Aamiin
ARAABINEWS