Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun bahda Araabinews waxay tacsi u dirayaan umada Somaliyeed gaar ahaan ehelada uu ka baxay Jeneraal Jaamac Cabdullaahi Qaalib oo ku geeriyoodey dalkaasi Zambia. Jenberal Qaalib ayaa ahaa rug cadaa siyaasada ku soo jirey muddo dheer noqdeyna afhayeenkii barlamaanka kadib xoriyadii 1960 iyo israacii labadii gobol ee gumeystuhu u qaybiyay dalka.
Jeneraal Jaamac Cabdullahi Qaalib wuxuu ahaa markii Maraykanku U Diiday Somalida Hubka Ninkii Ka Degay Moosko Ee Soo Saxeexay Heshiiskii Taarikhiga Ahaa Ee Midowgi Soofiyeeti ku Soo Galay Somaliya Xiligaas Oo Ay Jireen Laba Quwadood Oo Isu Dheelitiran.
Iyado Ay Somaliya Xiligaas heshay Hub ay aad ugu Baahnayd Oo Ay Iska Soo Hor Jeedeen Itoobiya Oo Ay Ka Dhaxaysay Colaad Xumi. Loona Baahna In Ciidamadi Somalidu Helaan Hub Ay Iskaga Waabiyaan Amxaarada.Sidaasi Darteed Waxa Uu Ku Soo Guulaystay In Uu Soo Saxeexo Heshiis Taariikhi Aha Oo Ay Ciidamadi Somalidu Ku Helaan Hub Iyo Tabobaro U Dhigma Kuwii Ay Iska Soo Horjeedeen Sida Laga Soo Xigtay Ruug Cadaagi Marxuum Qaybe Oo Aha Safiirki Somalida U Fadhiyay Xiligaas Midowgi Soofiyeetka
Marxuumku Wuxuu Ku Sifoobay Adoon Cibaado Suuban Leh. Aw Jaamac wuxuu ku Dhashay Magaalada Hargeisa 1930 Xaafada Jamaac Weyn,Wuxu Quranka Xifdigiisa Ku Bartay Malcaamaddii Sheekh Haaruun,Ka Dib Caden (South Yeman) ayuu u dhoofay Isagoo uga Si gudbay Dalka Ingriiska, Wuxuu dib ugu Soo Laabtay Dalka 1956 oo ka Qayb Qaatay Halgaankii Dalka Lagaga Xoreeyay Isticmaarkii Ingiriiska, Waxaanu Ka Mid Noqday Xubnihii Ugu Firfircoona Xisbigii SNL, Doorasaddii Lixdankii Waxa Laga Soo Doortay Magaalada Sallaxley Waxaanu Noqday Afhayeenki Golihii Tashriicaga, Markii Koonfuur La Isku Darsaday Wuxu Noqday Gudoomiyihi Ugu Horeeyay Ee Baarlamaankii Somali Republic. .
Nin Illahay Ku Xidhan Buu Ahaa Inaalilaahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun waxaanu Ifka kaga tagay Shan Hablood iyo Laba Wiil oo uu dhalay marxuumku.
ARAABINEWS.COM