Shalay ayay ahayd markii neef xoolo ah uu ku bakhtiyay wadada halbowlaha u ah magaalada Hargeysa, waxase nasiib daro ah in uu wali yaalo maalintii labaad. Neefkan oo sac ah ayaa gaadhi ku jiidhey goobta.
Neefkan xoolaha ah, ee uu gaadhigu jiidhay, ayaa yaala meel aan taayirka gaadhigu marayo aan wax badan ka durugsanayn, ahna goobtii uu neefkani sakaraadka la soo gaadhay.
Goobtani oo ah, halka inta badan ay ku yaalan guryaha iyo dhismayaasha ugu quruxda iyo bilicda badan caasimada dalka, ee Hargeysa.
Waxaa in neefkan bakhtigiisa meesha laga qaado ka gaabisay, dawlada hoose ee Hargeysa oo ay shaqadoodii tahay, mana ah markii ugu horeysay ee sidan oo kale loogu daayo, bakhtiga xoolaha wadooyinka halbowlaha u ah caasimada iyo goobaha, inta badan ay dadka iyo gaadiidkaba marinka u ah.
Iyada oo hadii saacado iyo maalmo intaas, ka badan uu sii yaalo laga yaabo inuu dilaaco, lagana qaado xanuuno.
Taasi waxaa ay daliil marag ma doona u tahay, in dawlada hoose caasimada, ay shaqadii loo igmaday ay kaga mashquushay hawlo, aan cidi u dirsan.