X

Bakistaan oo amartey in la soo qabto xaakin xukumay madaxweyne hore

Dawlada Bakistaan oo aad uga cadhootey xukun degdega oo aargoosi ah oo lagu ridey madaxweynihii hore ee dalkaasi Musharaf ayaa sheegtay in la qaban doono xaakinka xukunka ridey.


Xaakinkan ayaa Ku qorey warqadda dacwada in madaxweyne Musharaf haddii uu iskii u dhinto lagu daldalo meydkiisa xarunta barlamaanka hortiisa muddo sadex cisho ah.

Dadka dalkaasi ayaa aad uga cadhoodey hadalka Ka soo baxay xaakinkaas taas oo ma dhigtey kiiska dhan mid aargoosi ah sida uu sheegay nadaxwey Musharaf laftiisa.


Milatariga dalkaasi oo aad uga cadhoodey xukunka ayaa sheegay in hadda la rumeeyay walaacii ay Ka muujiyeen xukunka dilka ee degdega ah.

Bakistaan oo ah dal haysta hubka nukliyeerka ayaa haddana dalka sad u fiqiira ayna jirto musuq baahsan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.