Dalka Bakistaan oo intiisa badan ah dal fiqiira ayna ku noolyihiin dad aad u farabadan ayaa waxa ka shaqeeya hal haykal oo dawladnimo kaas oo ah ciidanka qaranka dalkaasi. Bakistaan ayaa ka mida dalalka Muslimiinta ee hubkooda inta badan samaysta qaasatan difaaca dhulka sida taangiyada, gantaalada waxana ugu biirey hubka Nukliyeerka oo ay qarxiyeen 1998 markii Hindiya iyaguna qarxiyeen.
Bakistaan ayaa ku biirtey dalal dhowr ah oo si toosa ugu dagaalama diyaaradaha aan iswadin isla markaana tuura gantaalaha. Bakistaan ayaa markii ugu horeysay sheegtay in gantaalo ay tuureen diyaaradaha aan iswadin nooca ay u bixisey Bureeqo ee iyagu sameeyeen ay ku dileen sadex argagixiso oo ka tirsan Talibaan.
Lama sheegin awooda diyaaradaha aan iswadin waxase meesha ka baxaysa awooda uu Maraykanku ku weerari jiray argagixisada taas oo hadda ay qaadi doonaan diyaaradaha cusub ee Bakistaan samaysay.
Bakistaan ayaa wax badan ka cabatay in Maraykanku joojiyo diyaaradaha aan iswadin ee ay ku dilayaan shacabkooda iyo argagixisada waxayna ka codsadeen in ay iyaga siiyaan sancada ay ku sameeyaan diyaaradaha aan iswadin waase diidey Maraykanku in uu sancada bixiyay.
Samayska ay Bakistaan samaysteen diyaarado ridi kara gantaalada waliba nooca laysarka ayaa ka yaabsaday Matraykanka oo hadda laftoodu ka walaacsan nooca ay tahay iyo inta mayl ee ay gaari karaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM