Dalkaasi Bakistaan ee leh ciidanka dhisan ayaa tijaabiyay gantaal Ka nixiyay Hunuuda hubka waaweyn Ka hesha Ruushka iyo Maraykanka. Dhawaan ayay ahayd markii Hindiya tijaabisay gantaal ridadiisu dheerayso oo in muddo ah dhismahiisa socdey.
Gantaalka Bakistaan tijaabisay oo isaga laftiisu Ka mida gantaalaha ciidanka loo qaybiyay ayaa ridadiisa lagu qiyaasay 650km waxana loogu talogalay in dalku isaga difaaco weerarka dhulka.
Bakistaan oo ah dal fiqiira oo musuqa hareeyay ayaa haddana awoodeedii isugu gaysay dhisida ciidan Tayo leh oo u babac dhigi kara Hindiya oo ay gaalo hubeynayso.
Tijaabada gantaalkan ayaa imaanaya xilli labada dal ee halka ahaan jirey uuna fiicneyn xiriirkooda. Bakistaan ayaa Hindiya Ka xiratey hawadeeda diyaarada sida madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha. Hindida ayaa kordhisay cadaadinta ay Ku hayso muslimiinta dalkaasi.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS