X

Balaayiin Muslimiinta caalamka oo u dareeray ciida weyn ee Adxa: SAWIRO

Waxa manta si isku mida caalamka looga dareeray ciida weyn e Adxa halka si la mida malaayiin Muslimiin ay maanta qasheen wanka ayagoo jooga Xaramka. Hadaba ciidan ayaa si isku mida looga wada ciiday Somaliya aan ka ahayn gobolada dhexe.

Bisha Dhulxija ayaa ah 10 waana maalinta sadexaad ee xajka. Waxaad meelkasta ku arkaysaa muslimiinta oo hambalyada ciida isku diraya ha noqoto baraha  ulsha, telefoonada iyo fariimaha gaarka ahba.


Dhinaca dalkeena madaxda qaranka sida madaxweyne Farmaajo ayaa isagu masuuliyiin kula tukaday masjidka Shuhadada oo ku yaala madaxtooyada halka raiisal wasaare Xasan Cali uu shacabka kula tukaday masjidka isbahaysiga oo isna u dhow madaxtooyada.

Hadaba sawirada hoose ayaa tilmaamaya sida muslimiinta caalamku u dabaaldegaan iyo weliba xoolaha sida loo xambaaro.


Sawirka hoose xeebta Muqdisho iyo xuska ciida

Sawirka hoose nin reer Urduna oo xambaarsan ido uu ku ciidayo

Muslimiin jooga bartamaha London



Xeebta Liido ee Muqdisho iyo damaashaadka

Muslimiinta Ruushka oo si weyn ugu soo baxay ciida bartamaha Moosko

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.