X

Bam lagu qarxiyay goob basasku ka baxaan dalkaasi Bakistaan oo ay ku dhinteen 10 qof yaase ka dambeeya

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in 10 qof ay ku dhinteen kadib markii bam ku qarxay goob basaska laga raaco oo ku taal magaalada Multan oo ku taal Koofur Bari Bakistaan. Sida booliisku sheegay waxay leeyihiin mooto timi meel basaska laga raaco ayaa lagu qarxiyay si rimood ahaana halka wararka qaarna sheegayaan in mooto ay ku dhacday gaadhi Hindiga bajaajta dabadeedna qaraxu dhacay.

Raiisal wasaaraha Bakistaan ayaa cambaareeyay falkan caadiga noqdey in Muslimiinta la iska xasuuqo laguna faano,, wuxuuna ku dhaartey in uu sharciga horkeeni doono cida ka dambeysay.

Booliiska ayaa helay boolal ku Jiri kara bamka qarxay waxayna sheegeen in ay soo saari doonaan baaritaankooda. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay xasuuqan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.