X

Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen dad sharciga diidan oo lagu kala dareeriyay Muqdisho: MAQAL

Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen dad sharciga diidan ayaa lagu kala dareeriyay Muqdisho. Dadkan ayaa diiden nin gacan ku dhiigle oo diley wasiir Siraaje rabaana in aad cadaalada la marsiin.


Dadkaasi oo bannaanbaxooda ka bilaabay jidka Warshadaha ayaa markii danbe qaarkood xireen qeybo ka mida jidka mashquulka badan ee Maka Almakarama, waxaana ka hor yimid ciidamada xasilinta kala eryay.

Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid) oo 29 jir ah oo hore ay maxkamadda ciidamada ugu xukuntay dil toogasho ah ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee hore, kadib markii uu ku qanci waayay xukunkaasi.



Maxkamadda Sare ayaa maanta mar kale isla xukunkii ku riday eedeysanaha, iyadoo raacday xukunkii hore ee maxkamadda darajada Koowaad, taasoo meesha ka saareysa rafcaankii uu qaatay, lana sugayo in la toogto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.