X

Banaanbax ka dhacay Muqdisho iyo cida lagu taageeray: SAWIRO

Banaanbax si weyn loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Muqdisho gaar ahaan xarunta Daljirka Dahsoon ee xaafada Boondheere una dhow barlamaankii hore ee Somaliya ee argagixisadu xarun ka dhigatey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Banaanbaxan soo qabanqaabiy ayaa ka hadlay sheegayna is qab qabsi iyo is jiid jiid in laga soo daalay, loona baahan yahay in horey loo socdo.



Waxa uu sheegay isu soo baxan in uu muujinayo taageerada loo haayo Golaha Wasiirada cusub, isaga oo sidoo kale tilmaamay shacabka Soomaaliyeed awoodooda in aysan qarsooneyn, wuxuuna sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay doonayaan in la ansixiyo Golaha Wasiirada cusub.

Dhanka kale Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo hadal qaaday xuquuqda Gobolka Banaadir, wuxuuna tilmaamay xuquuqda Gobolka Banaadir muhiim in ay tahay in la helo.



Golaha Wasiirada cusub ayaa ka kooban 68 xubnood, oo ay kala yihiin Ra’iisal Wasaare Ku xigeen, 26 Wasiir, 26 Ku Xigeeno iyo 15 xubnood oo Wasiiru Dowlayaal ah.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.