X

Banaanbax looga soo horjeedo Xasan Sheekh iyo dagaalka Gaalkacayo oo Garoowe ka dhacay

Shacabka Magaalada Garowe oo isugu soo baxay barxada Garoowe maanta oo Khamiis ayaa dhigay banaananbax ay uga soo horjeedeen colaada Gaalkacyo , oo ay sheegeen in dowladda federaalku hurinayso.

Banaanbaxa waxaa ka qayb galay maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe, waxayna sheegeen in Xasan Shiikh uu hurinayo colaada Gaalkacyo, iyagoo ku dhaliilay inuu gacan siinayo ciidamada Gal-mudug siday shegeen.

Shacabka banaanbaxayey oo boqolaal gaarayey ayaa watay boorar ay ku qornaayeen erayo ay ku dhaliilayeen Xasan Shiikh, waxayna gubeen Sawiradiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.