X

Banaanbax Muqdisho ka socda lagu taageerayo Xasan Sheekh iyo hawlgalada milatariga

Waxaa goordhaw Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo xil ka qaadistii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sameeyay Gudoomiyaha Maxkamada sare dalka uu ka bilowday fagaaraha dal jirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa sidoo kale lagu taageerayaa sida aan wararka ku helnay Howlgalka ay ciidamada milatariga Soomaaliya ka wadaan Gobolka Shabeelaha Dhaxe, oo dhawaan Ciidamada milatariga argagixisada uga saareen deegaano iyo degmooyin ay horey u maamulayeen.

Waxaa kasoo qeyb galay Banaanbaxa boqolaal dadweyne ah oo laga kala keenay Degmooyinka gobolka Banaadir, waxa ayna dadkan wataan boorar ay ku tagaeerayaan Wareegtadii Madaxweynaha xilka uga qaaday Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo taageero loo muujinayo ciidanka xooga.

Masuuliyiin katirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya banaanbaxan oo la sheegay in uu soo abaabulay maamulka Gobolka, waxaana la filayaa in goordhaw halkaasi shacabka kula hadlaan Madax katirsan Maamulka Gobolka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.